Qaar ka mida odayaasha dhaqanka degaaanada Jubbooyinka iyo Guddiga Doorashada Jubalanad ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku raacay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Jubbaland.
Kulanka ku dhex maray magaalada Kismaayo ayaa loga dooday qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulkaasi, iyadoo la isku afgartay qorshe ay Guddiga Doorashada Jubbaland ay ku meel mariyeen hannaanka loo marayo doorashada Xildhibaanada oo ah in beel kasta oo leh hal Xildhibaan ay guddiga doorashada usoo gudbiso saddex xubnood, iyadoo markaas kaddib ay guddiga ka xulan doonaan hadba qofka buuxiya shuruudaha Xildhibaanada.
Odayaasha ayaa sheegay in ciddii cabasho qabta ay timaado Jubbaland isla markaana ay qayb ka noqoto geeddi socodka Doorashooyinka Jubbaland, waxayna cabaareeyeen hadal kasoo yeeray mid kamid salaadiinta Jubbaland ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Guddiga Doorashada ee uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ka hor yimid musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland.