Kulankii labaad ee ay maanta yeesheen Guddigga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu doortay guddoonkii Guddigan oo ka kooban guddoomiye, ku-xigeen iyo xoghaye.
Kulanka Guddiga oo la sheegay inuu laba u qeybsamay waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa kuxigeen, waxaana guddoomiyaha Guddiga loo doortay Maxamed Xuseen Tahliil( Calool Geel), halka Guddoomiye ku xigeen loo doortay Xildhibaan C/raxiim Axmed Cigaal.
Guddiga ayaa ka kooban 13 Xubnood oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay inay isku mari waayeen shalay doorashada guddoonkooda, kadib markii xubnaha ka socday Ahlu suna ay caqabado la yimaadeen.
Xildhibaannada Ahlu suna ayaa 5 xubnood ku leh Guddiga, waxayna dalbadeen in guddoomiye la siiyo, iyagoo diiday in guddiga dhexdiisa uu is doorto, taasoo keenay dib u dhaca doorashada guddoonka Guddiga.
Kulankii maanta ayey ka baaqsadeen 3 ka mida xubnihii ka socday Ahlu suna oo ka qeybgalkooda shardi uga dhigay in la siiyo guddoomiyaha Guddiga, taasoo keentay in guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu qaato go’aan ah in xubnaha Guddiga Doorashada ee gaaraya 10 xubnood ay iska dhex doortaan guddoonkooda.
Ahlu suna oo ku guuldarreystay inay musharixiinteeda kusoo baxaan Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa hadda wada olole ay ku dooneyso inay saameyn ku yeelato Guddiga Doorashada Madaxweynaha.