Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo qabanqaabada shir ay yeelanayaan xildhibaanada maamulkaaasi ee xilka ka qaaday madaxweynihii hore.
Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa maanta dooranaya guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo muddo 30 maalmood ah lagu dooran doono, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed.
Wararkii ugu danbeeyay ee Jowhar ayaa sheegaya in ololihii uu waday madaxweynaha xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble uu socon waayay, kadib markii xildhibaanno xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada ay ka tageen.
Maamulka Hirshabeelle ayaa 10 bilood kadib dhismihiisa dhexda uga dhacay xiisad siyaasadeed oo ka dhashay mooshin kalsoonida loogala noqday madaxweynihii maamulkaasi oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan.
Wadani