Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaal ayaa go’aan ka gaaray goobta lagu soo xulayo xildhibaanada labada aqal ee ka imaanaya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey) uu sheegay in Guddigu go’aansaday in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Guddoomiye Dhegey ayaa ku dooday in Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha bulshada ay soo dhoweeyeen in xildhibaanada ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu doorto magaalada Muqdisho.
Go’aankan waxaa hore uga hor yimid maamulka iyo odayasha Gobolka Hiiraan qaarkood oo hore u qaadacay in meel aan ahayn Beledweyne lagu soo doorto xildhibaanada Gobolka Hiiraan.
Guddiga Doorashada oo laga filayay inay ku dhawaaqaan dib u dhaca ku dhacay waqtiga Doorashada ayaa hadda qaatay go’aano iskood ah oo keeni doona xiisad siyaasadeed iyo isk u dhac.
Wadani.com