Guddiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay xilliga ay bilaabaneyso qabashada araajida musharixiinta u tartamaya saddex kursi oo ka bannaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal goor dhoweyd kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in 25-ka bishan Ogost ay bilaabaneyso qabashada araajida musharixiinta saddexda kursi ee bannaan, ayna ku eg tahay 30-ka bisha, waxaana odayaasha dhaqanka ee kuraastan quseyso loogu baaqay inay ku diyaariyaan ergada doorashada.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA