Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ka mida kalfadhiga labad ee Baarlamaanka.
Kulankan ayaa la sheegay inay hortegi doonaan xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashoyinka Qaranka oo warbixin laga rabo.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ajandaha baarlamaanka ee maanta uu qeyb ka yahay in Xildhibaannada ay warbixin ka dhageysan doonaan guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Dhinaca kale Xaliimo Cismaan (Xaliimo Yareey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin sidii ay warbixin u siin lahaayeen baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay in tani ay qeyb ka tahay sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee dalka.