Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaa maanta ku dhawaaqay in la buuxinayo kursi ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo uu iska casilay xildhibaan ka baxay siyaasadda.
Kursigan waxaa 6-dii bishan September iska casilay Xildhibaan Daahir Cali Faarax, iyadoo Guddiga doorashada uu faray odayaasha dhaqanka ee ku jiray 135-ta inay keenaan 51 ergo doorasho muddo 7 cesho gudahood ah.
Murashaxiinta ayaa sidoo kale lagu war-geliyey inay araajidad keensadaan inta u dhaxeysa 22-ka bushan ilaa 29-ka. Wararka ayaa sheegay in kursigan uu musharax u yahay wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA DOORASHADA