Guddiga Doorashada Qaranka ayaa shaaciyey in dhowaan la soo buuxinayo kuraas ka bannaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay socoto qabanqaabada lagu dooranayo xildhibaannadii buuxin lahaa kuraastaasi.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in dhowaan lasoo dhameystirayo kuraasta ka banaan Golaha shacabka Soomaaliyeedoo gaareysa saddexda Kursi, iyadoo doorashada kuraastaasi ay ay ka kala dhacayaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhaba.
Laba kursi oo ka mida kuraastaasi waxaa doorashadooda lagu qabanayaa magaalada Baydhaba, waxaana banneeyay Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen iyo kursi uu ak geeriyooday Xildhibaan Khaliif Cabbdullaahi.
Kursiga kale ee doorashadiisu ka dhaceyso magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamed, waxaana dadka kursigaas u tartamaya ka mid ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Cabdullahi Gaafow Maxamuud oo walaalkiis ah.