Guddiga doorashada ayaa maanta diiwaangelin KMG ah u sameeyay xisbiyo cusub oo ku biiray xisbiyada loo diiwaangelinayo dalka ee qabyada ah, kadib xaflad ka dhacday Guddiga Doorashada.
7 xisbi siyaasadeed ayaa la guddooneiiyay shahaadada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah. waxayna xisbiyadan 22 ka dhigayaan 15 xisbi oo hore si KMG ah loogu diiwaan geliyay, waxaana la sheegay in la diiwaan geliyay, ayna heleen Shahaadadda diiwaangelinta kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudaha diiwaan gelinta KMG ah.
Xisbiyada siyaasadeed ee iyadoo aan sharcigii rasmiga ahaa la gaarin la diiwaan gelinayo ayaa sii kordhaya, waxaana laga cabsi qabaa inay faraha ka baxaan, iyagoo xilli horeba gaaray in ka badan 20 xisbi siyaasadeed oo KMG ah.


