Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga Doorashada oo war cusub kasoo saaray xaalado hareeyay Doorashada [War-saxaafadeed]

    Guddiga Doorashada oo war cusub kasoo saaray xaalado hareeyay Doorashada [War-saxaafadeed]

    November 1, 20164 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa war-saxaafadeed cusub kasoo saaray xaaladda doorashada Soomaaliya iyadoo aan lagu soo hadal qaadin dib u dhaca doorashada ku yimid.


    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA GUDDIGA

    Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) oo gudanaya waajibka loo igmaday ee kormeerka hannaanka doorashooyinka iyo xaqiijinta in doorashooyinka si isku mid ah uga dhacdo dalka, wuxuu safarro xaqiiqa raadin iyo qiimeyn ah ku tagay deegaan doorashooyinka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyada oo si la mid ah deg deg loo soo kormeeri doono deegaan doorashooyinka dhimman.

    Safarradaan ayaa ujeedadoodu tahay hubinta in doorashooyinku dalka uga dhacaan si isku mid ah; qiimeynta heerka diyaargarowga Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) ee dhanka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo hubinta in GDGHDD waafaqeen, raaceenna hannaanka doorashada ee la isku raacay.

    Guddigu wuxuu sidoo kale kormeerkan ugu kuurgalay waafaqsanaanta go’aanadii Madasha Hogganka Qaran (MHQ) ee lagu hubinayey qoondada haweenka ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee 2016ka iyada oo dabagal lagu sameeyey qoraal rasmi ah oo GFHDD horey ugu gudbiyey GDGHDD iyo madaxda Dowlad Goboleedyada 19kii bisha Oktoobar ee 2016ka taas oo ku saabsaneyd asteynta kuraasta deegaan doorashadooda ee ay haween kaliya ku tartamayaan.

    Kormeerrada illaa iyo hadda laga fuliyey deegaan doorashooyinka kor ku xusan, wuxuu Guddigu si gaar ah diiradda ugu saaray hubinta daahfurnaanta geedi socodka doorashooyinka, iyada oo tallaabooyin wax ku ool ah laga gaaray dhacdooyin walaac leh sida xadgudubyo loo gaystay musharraxiinta qaarkood. Talaabooyinkii la qaaday waxaa ka mid ah in xil doone weerar gaystay lagu qaadayo tallaabooyin sharciyadeed isla mar ahaantaasna laga xayuubiyey in uu u tartamo xildhibaannimo doorashooyinka 2016ka sida ku cad Xeer Anshaha Musharraxiinta (ee lagala soo bixi karo www.doorashada2016.so).

    Guddigu wuxuu caddaynayaa in aysan ka mid ahayn shuruudaha doorashooyinka in musharraxiinta lagu xiro warqado caddayn dambi la’aaneed in ay kala yimaadaan hay’adaha amniga. Guddigu waxuu ugu baaqayaa dhammaan maamul goboleedyada in haddii ay jiraan musharraxiin looga reebay musharraxnimadooda warqadaha caddayn dambi la’aaneed ay la wadaagaan xogtooda GFHDD inta aan la qaban doorashada kursiga musharrraxiisa la hakiyay.

    GFHDD wuxuu walaac ka muujinayaa cabashooyinka faragalin ee ka soo yeeraya Oday-Dhaqameedyada 135ta ay saxiixeen MHQ iyo wakiilladooda. Haddaba, GFHDD oo u xilsaaran hubinta iyo la shaqeynta Oday dhaqameedyadaas, wuxu xoogga saari doonaa sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta cabashooyinkaas si loo dadajiyo dhammaystirka liisaska ergooyinka dhiman.

    Sidoo kale, Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo dowlad goboleed, in Hannaanka Doorashooyinka 2016ka ee la isku raacay lagu dhisay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed oo u xilsaaran hirgelinta, kormeerka iyo fulinta doorashada dadban ee 2016ka. Sidoo kale, dhageysiga dacwadaha iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka dadban, waxay MHQ u xilsaartay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban. Haddaba, waxaa hay’adaha garsoorka lagu wargelinayaa laguna boorinayaa in ay ogaadaan in guddiyada doorashooyinka dadban loo igmaday dhammaan hannaanka doorashooyinka 2016 ka.

    GFHDD wuxuu ka digayaa dhammaan tallaabo walba oo culeys iyo carqaladeyn ku keeni karta ama cagajugleyn loogu geysanayo ergooyinka doorashooyinka, musharraxiinta, oday dhaqameedyada iyo howlwadeennada loo xil saaray hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban 2016ka. Sidoo kale sida ku cad war murtiyeedkii uu GFHDD soo saaray 23/10/2016 ee looga digayay arrimaha dhaawici kara daahfurnaanta doorashooyinka, guddigu wuxuu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ay qusayso doorashadu in laga fogaado isla mar ahaantaasna si wada jir ah looga hortago arrimaha musuqmaasuqa, qof jeclaysiga, iyo faragelinta doorashooyinka.

    GFHDD isagoo qaddarinaya marxaladda xasaasiga ah ee fulinta doorashooyinka dadban wuxuu farayaa hay’adaha warbaahinta inay ka fogaadaan tallaabo walba oo carqalad galin karta geedi socodka doorashooyinka 2016ka ama xadgudub ku ah xuquuqda ergooyinka, musharraxiinta iyo howlwadeennada doorashooyinka sida waafaqsan Xeerka Anshaxa ee korjoogayaasha iyo warbaahinta ee Hannaanka Doorashooyinka (ee laga heli karo www.doorashada2016.so).

    Waxuu Guddigu ka codsanayaa warbaahinta xorta ah inay door wax ku ool ah ka qaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo cadaalad ah taas oo shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karo.

    Ugu dambeyn Guddigu wuxuu mahadnaq iyo boogaadin u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, DFS, iyo Dowlad Goboleedyada taageerada ay lagrabtaaganyihiin doorashooyinkan taariikhiga ah ee 2016 ka.

    –DHAMMAAD–

    Doorashada 2016 Guddiga Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDoorashada Aqalka hoose ee Puntland oo bilaabaneysa [Beelaha dooranaya 12 kursi ee ugu horeysa]
    Next Article Kooxda Alshabaab oo dad ay qafaasheen ku gowracay Degmada Tiyeglow

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo