Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaalka ayaa war kasoo saaray Doorashada hakadka la geliyay ee Aqalka hoose, kana socotay magaalada Jowhar.
Guddiga oo war kooban soo saaray ayaa sheegay inay ogolaadeen in dib loo bilaabo doorashada Aqalka hoose e ka socotay magaalada Jowhar, laakiin dib loo dhigay kursiga beesha Jidle/Gugundhabe ee shaqaaqadu ka dhacday.
https://twitter.com/doorashada2016/status/800974624502620160
Maanta ayaa la filayaa in magaalada Jowhar lagu doorto shan kursi oo ka mida Aqalka hoose ee Baarlamaanka, iyadoo ay magaalada ku qulqulayaan ergooyinka kala duwan.
Baaritaanka shaqaaqadii ka dhacday magaalada Jowhar ayaa weli socota iyadoo aan wax go’aan ah laga gaarin falkaasi oo uu ku eedeysan Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga.
Wadani.com