Guddiga Doorashada Qaranka ayaa soo maanta soo saaray qoraal uu ku soo dhoweeyay sharciga Doorashooyinka ee heer federaal oo ay ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya 21-ii Febraayo 2020.
Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid hore loo qaaday muddo 50 sano ah kadib, wuxuuna sidoo kale soo dhoweeyay dhismaha gudaha labada aqal ee loo xil saaray diyaarinta afarta xeerar ee kabaya sharciga Doorashada, iyagoo dalbaday in waqtiga loogu talogalay lagu dhammeystiro.
Wuxuu kaloo Guddiga madaxda Bannaan ee Doorashooyinka ka dalbaday Golayaasha Baaralmaanka inay dedejiyaan meelmarin sharciga Xisbiyada ee dib eegista lagu sameeyay si xisbiyada ugu gudbaan kuwo rasmi ah oo sharciyad u leh ka qeybgalka Doorashada 2020/2021.
HOOS KA AKHRISO