Xubno ka tirsan Guddiga Qaran ee Doorashada ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.
Xubnahan waxaay kulan la qaateen ku simaha madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe iyo guddooomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre oo ay iska soo qaadeen qabanqaabada doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.
Guddiga ayaa xog ogaal u noqonaya sida ay u socdaan diyaar garowga doorashada madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, waxayna warbixin ka dhageysteen madaxda maamulka.
Dhinaca waxaa magaalada Jowhar ka bilowday ololaha doorashada madaxweynaha iyagoo ay gaarayaan musharixiin u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi.
DAAWO SAWIRRO