Waxaa dib u soo cusboonaaday khilaafkii Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT, kadib markii uu Guddoomiyihii aqalka Sare ee baarlamaabnka 10-aad Cabdi Xaashi C/llaahi soo saaray Qoraal uu dalbanayo in la joojiyo doorashada 16 kursi oo la diyaarinayey.
4 xubnood oo ka mida Guddiga, garabkii uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayaan inay ayidsan yihiin qoraalka Cabdi Xaashi ee ah in la haliyo 16-ka kursi ee Guddiya Doorashada shaaciyeen, waxayna soo jeediyeen;
1 Guddoonka Sare ee Doorashada Gobolada Waqooyi dhammeeyaan khilaafaadka Guddiyada soo xulaaya ergooyinka 16ka kursi ce la jaangooyay in la qabto doorashadooda, ka hor intaan la soo saarin jadwalka doorashada.
2- In aan Guddiga soo saari doonin Jadwalka ‘kuraasta hadda muranka ka dhashay
3- In Guddoonka Sare ee Doorashada Gobolada Waqooyi, iyagoo la tashanaaya cuqaasha iyo oday dhaqameedka berlaha ay asteeyaan Kuraasta Qoondada Haweenka.
4- In Guddoonka Sare ee Doorashada Gobolada Waqooyi dhammeeyaan khilaafaadka Guddiyada soo xulaaya ergooyinka 16ka kursi ce la jaangooyay in la qabto doorashadooda, ka hor intaan la soo saarin jadwalka doorashada. In aan Guddiga soo saari doonin Jadwalka ‘kuraasta hadda muranka ka dhashay.
5- In aan la bilaabin diiwangalinta ergooyinka kuraasta la hakiyey dhamaatood, ilaa laga xalinayo khilaafaadka iyo tabashooyinka jira.
Magacyada Xubnaha qoraalkan soo saaray ayaa kala ah:
1. Cabdishakuur Abiib Hayir – Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga
2. Maxamed Cali Cabdilaahi (Shaafici) – Madaxa Qoondada Haweenka ee SEIT
3- Jaamac Cumar Cali – Madaxa Tababarada
4. Saleebaan Cismaan Caydiid – Madaxa Amniga & Loojistikada ee SEIT
Qoraal kale oo saaka kasoo baxay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Cabdishakuur Abiib Hayir ayuu ku sheegay inuusan isagu kooxna ka tirsaneyn, balse uu yahay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga, wuxuuna caddeeyay in laga been abuurtay qoraalka xubno ka tirsan Guddiga SEIT ee Somaliland ay soo saareen.
Cabdishakuur Abiib aya asheegay in jahwareerka siyaasadeed laga madax banaaneeyo guddiga, isla markaana aan lagu dhex milin howlaha siyaasiga, si doorashada u socoto qaabka ku cad habraacyada iyo heshiisyadii la gaaray.
Arrintan ayaa loo arkaa in xubin muhiim ah oo ka tirsaneyd Guddiga Doorashada garabka Cabdi Xaashi uu ka baxay dhinaciisa, waxaana dib u soo laabtay is qabqabsigii Garabyadii Cabdi Xashi iyo Mahdi Guuleed, haddii aan xal degdega loo helin.
