Guddiga Doorashada Somaliland ayaa shaaciyey liiska odayaasha iyo xubnaha bulshada rayidka ee soo xulaya ergada lix kursi oo ka mida Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Liiska ayaa ka kooban 15 xubnood, iyadoo saddex kursi ay isku ergo yihiin, laba kursina ay ergo kaliya dooranayso, halka hal kursi uu yahay mid ay ergo qura dooranayo, si u gaara beelaha kasoo jeeda Somaliland.
Guddiga Somaliland ayaa sheegay in jadwalka u kala horeyn doono hannaanka Doorashada, lana marin doono habraacayada u dajisan hufnaanta doorashada.
Maanta ayey bilaabtay fulinta heshiiskii Madasha Qaran ee Wadatashiga oo Doorashada golaha shacbaka u qabatay inay ku dhammaato muddo 40 maalmood ah.
HOOS KA AKHRISO

