Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaran ayaa maanta shahaadooyinka siiyey 8 Xisbi oo cusub oo ku biiray xisbiyada siyaasadda dalka.
Munaasabad xisbiyadan cusub lagu sinayay Shahaadada ayaa lagu qabtay Khadka Internet-ka ee aaladda ZOOM- ka, waxaana ka qeyb gashay Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil, Diwaan-geliyaha Xisbiyada Guddiga Maxamed Cumar Axmed Xaydara iyo madaxda xisbiyada e lagu guddoon siiyey Shahaadada.
8-da xisbi ee maanta la siiyey Shahaadada waxay kala yihiin:
1- Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.
2- Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.
3- Xisbiga Walaalaha Midoobay.
4- Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.
5- Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.
6- Xisbiga Soomalinimo.
7- Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqaraadiyadda iyo Isqadarinta.
8- Xisbiga Badbaado Qaran.
Xisbiyada Guddiga Doorashooyinka u diiwaan gashan ayaa hadda gaaray 90 xisbi siyaasadeed, waxaana la filayaa inay sii sii kordhaan.
