Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa uga jawaabay Midowga Musharixiinta oo dalbaday in la joojiyo doorashada Golaha Shacabka, si loo saxo habka loo maamulayo oo ay boob ku tilmaameen.
Cirro ayaa sheegay in la sixi doono khaladaad kasta ee ka yimaada kuraasta la doortay iyo habka ay u socoto Doorashada Golaha Shacabka, balse aan loo joojin doonin Doorashada kuraas khaldantay.
Isagoo wareysi siiyay Universal TV ayuu ballan qaadya in dib loogu laaban doono kursi kasta ee aan marin habraaca rasmiga, Guddigana ay tallaabo qaadi doonaan marka ay cabasho soo gaarto.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaalayaa ku dooday inay baaritaan ku sameeyeen laba kursi oo lagu doortay magaalada Baydhabo oo ay tageen, kadibna ay soo saareen go’aanka ah in dib loogu laabto Doorashadaasi.
Kuraasta Guddiga amray in la laalo oo dib loo qabto Doorashadooda ayaa kala ah: HOP#103 oo loo diiday inuu u tartamo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo HOP154 oo ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.
Midowga Musharixiinta ayaa ka dalbaday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roble inuu joojiyo Doorashada socota ee Golaha Shacabka, shir degdeg ahna isugu yeero Golaha Wadatashiga si xal looga qaado qaabka boobka ah oo ay ku bilaabatay Doorashada Golaha Shacabka.
