Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ayaa war uu soo dsaaray kusoo dhoweeyay shaacinta doorashada Magaaladii ugu horreysay ee deegaan doorashada labaad.
HOOS KA AKHRISO QORALKA GUDDIGA
Muqdisho, 29-Jan-2022, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu soo dhaweynayaa shaacinta doorashada magaaladii ugu horreysay ee deegaan doorashada labaad, taas oo ay Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ku shaaciyeen doorashada 13 kursi oo ka dhacaya magalaada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kuraasta 13-ka ah ee la shaaciyey ayaa ka mid ah 26 kursi oo qoonda ahaan ku asteysan in doorashadooda lagu qabto magaalada Baraawe. GHDHF waxa uu bogaadinayaa bilaabashada deegaan doorashada magaalada labaad ee doorashooyinka dalka sida ku cad heshiiskii 17-kii Sebtambar, 2021 iyo habraacyadii ka dambeeyey.
GHDHF waxa uu farayaa dhammaan Guddiyada Maamulada Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed in ay qaadaan tallaabo la mid ah tan Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyaga oo fulinaya heshiisyadii iyo habraacyadii horey loogu heshiiyay.
