Guddiga Doorashooyinka heer Federal ee FEIT ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey in xubno ka mida guddiga oo xilka laga qaaday ay weerar qalalaase watay ku qaadeen maaanta xaruntii ay ka socotay Shahado siinta xildhibaannada.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku Heer Federaal ee (FEIT) waxa uu u caddeynayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo daneynaysa arrimaha doorashada, in Guddoomiyihii hore ee Xilka laga qaaday Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo Xoghayihii hore Cabdirixiin Cabdicasiis Adam (Xiirane), ay maanta soo weerareen Xarunta Guddiga, iyaga oo isku dayey inay qalalaase ka abuuraan goobta ay shahaado bixintu ka socotay” ayaa lagu yiri qoraalka caawa kasoo baxay FEIT.
“Xubnaha abuuray qaskaas ayaa ah kuwo ku shaqeynaya fikrado gurracan oo xagal-daacinaya shaqada doorashada. Waxay ka dhigantahay in caqabado iyo jid-gooyo hor leh lagu abuurayo doorashada iyaga oo dhexda mareyso shaqada shahaada bixinta Xildhibaanada la doortay”.
Guddigu wuxuu sheegay inuu ku dedaalayo mar kasta inaan ka dhabeynayno dhammeystirka Jadwalka doorashada ee aan horey u shaacinnay.
Dhinaca kale xubnaha qalalaasaha abuuray ayaa la sheeay inay ku tiran yihiin kooxda Farmaajo iyo Fahad oo doonaya in la carqaladeeyo jadwalka Doorashada iyo Shahaado bixinta.
