Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loogu yeeray kulan ay maalinte Berri ah ee Talaadadda 9-ka June ku yeelan doonaan xaruntooda Villa Hargeysa.
Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa hadli doonaa dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka oo 6-dii bishan uu furay Madaxweynaha Madaxweyne Farmaajo.
Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka go’aan ka gaaraya sida uu noqon doono kalfadhiga ugu danbeeya ee xildhibaannadu yeelan doonaan inta ay ka dhammaan mudadda xil heyntooda oo ku eg Novermbar iyo Disembar 2020-ka.
Arrinta ugu weyn ee Baarlamaanka hortaalla ayaa ah go’aan ka gaarista Doorashada dalka 2020/2021 iyo xeerarka dhammeystirka Doorashada, Maqaamka Muqdisho iyo Arrimo kale oo masiiri ah.