Guddiga gurmadka fatahaadaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyeyin xaaladda Magaalada Baladweyne ay tahay mid halis ah oo u baahan gargaar iyo gudmad degdeg, iyadoo uu xirmay Garoonkii magaaladaasi.
Guddoomiyaha guddigan, ahna Wasiirka Gargaarka Xamza Saciid Xamsa ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho in Roobabkii da’ay ay xaaladdu ugu sii dareen, ayna sababeen inuu xirmo garoonka Diyaaradaha magaalada Baladweyne.
Guddiga waxa ay ku booriyeen Shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada qeybqaataan sidii loo caawin lahaa Dadka halkaa ku dhibaataysan, iyagoo si gaar ah baaq ugu diray sganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo Gobollada ku dhow-dhow in ay gurmad uu raashiin ugu horreeyo la gaaraan dadka magaalada Beledweyne.
Wuxuu sheegay in gurmadkii ugu horreyay ay gaarsiiyeen shalay magaalada Beledweyne, ayna maanta ay la kulmeen hay’adaha gargaarka oo ay ugu horeeyaan iyo Q/Midoobay, iyagoo gargaar Raashiin ah uu ka imaanayo Gaalkacyo, kaasoo ku soo wajahan Magaalada Beledweyn, lana bilaabay gurmadka Diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Guddiga ayaa faray in cidkasta oo dhibaatooyinka ka dhacay gargaar ku Uruurinaysa ay iyaga la wadaagaan, ciddii aan soo marinna ay la xisaabtami doonaan, iaygoo sheegay in ay samayn doonaan Maxkamad guur-guurta oo ay ugu tala galeen Dadka musuq ku samaysa deeqaha loogu tala galay Qoysaska ay fatahaaddu saamaysay.