Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Guddiga Gurmadka Qarixii Xarunta G/Banadir oo 5 Qodob u diray Madaxweyne Farmaajo

    Guddiga Gurmadka Qarixii Xarunta G/Banadir oo 5 Qodob u diray Madaxweyne Farmaajo

    July 28, 2019Updated:July 29, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddigii Gurmadka ee Qarixii xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyay qeybtii hore ee gurmadka degdegga ahaa, waxayna soo saareen warbixin hordhac ah oo ku saabsan qasaarihii ka dhashay qaraxa, dhaawaca dibadda loo qaaday iyo 5 Qodob oo ay talo soo jeedin ugu jireen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda sare ee dalka.

    Guddiga oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta [Akhriso magacyada Guddiga] ayaa warbixintooda ku sheegay in tirada dhimashada qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banadir ay gaartay 10 qof, iyadoo dhaawacuna yahay 9 qof oo kale, halka dibadda loo qaaday dhaawac 6 qof ah oo uu ku jiro guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

    WARBIXINTA HOWLAHA GURMADKA

    b. Maareynta Dhaawaca

    1. Waxaa la xaqiijiyey ilaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
    2. Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof.
    3. Waxaa sidoo kale looga faa’iiday fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2)& Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah.
    4. Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasabooro.

         t. Dhimashada:

    1. Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10
    2. Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta.
    3. Allaha u naxariistee waxaa lagu aasey 9 kamid ah dadka geeriyoodey goobihii loo qorsheeyey.

    TALO SOO JEEDIN LOO DIRAY MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXDA DOWLADDA

    Warbixinta uu gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay:

    1. In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.
    2. In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd.
    3. In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa.
    4. In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada.
    5. In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba.

    Guddiga ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dalka Qatar oo so degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan. Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda.

    Eng. Cabdi Cashur Xasan Guddoomiyaha Guddigga Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Somalia

    Dhaawaca Yariisow G/Banadir Qaraxii G/banaadir Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Barlamaanka oo Wasiir Cawad Su’aalo ka weydiiyey Qaraxa loo heysto Dowladda Qatar
    Next Article KASHIFAAD: Muxuu doonayaa Macalin Maxamud – Hoggaamiyaha Ahlu-suna? [Saddex Qodob]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo