Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war cad kasoo saartay sababtii ay uga baaqsadeen ka qeybgalka furitaanka kalfadhigii 4-aad ee Baarlamaanka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa lagu sheegay sababta ay uga baaqsadeen furitaankii kalfadhiga maanta inay la xiriirto sababo farsamo iyo mid amni oo aan faahfaahin laga bixin.
Aqalka Sare ayaa qoraalkiisa ku muujiyey sida uu uga walaacsan yahay xaaladda sii xumaaneysa ee Amni iyo Federaal ee dalku marayo xilligan, waxayna caddeeyeen inay qaadi doonaan tallaabada ku haboon.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA