Guddiga Doorashada Koofur Galbeed (SEIT) ayaa ku gacan seyray go’aankii maanta kasoo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal ee lagu hakiyey Doorashada kursiga HOP103, kadib cabasho ka timid musharax Maxamed Cusmaan Jawaari.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Koofur Galbeed Yuusuf C/qaadir Baafo ayaa sheegay in guddiga heer federaal ee FEIT aysan xaq u laheyn inay joojiyaan doorashada kursiga HOP103, kuna socon doonaan Doorashada.
Wuxuu intaas ku daray in Guddoomiyaha Guddiga heer Federaal FEIT Maxamed Xasan Cirro aanu wax sharciyad u heysan ee uu kursigaas doorashadiia joojiyo, waxaana uu caddeeyay in kursigaas doorashadiisa maainta berri ay qaban doonaan, sidii hore loo qorsheeyay.
Arrintan ayaa muujineysa xaqiiqada jirta oo ah in awoodda Doorashada ay leeyihiin Guddiyada Doorashada Dowlad Goboleeyda oo ka amar qaata madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Khilaafkan dhinaca awoodda oo ah kii ugu horeeyay ee soo shaac baxay ayaa tijaabo u noqon doona Doorashada socota, wuxuuna soo shaac bixinayaa cidda maamusha.
