Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Guddiga La-dagaalanka Musuqa waa mid ku dhisan Sharci-darro, Musuq iyo rabitaanka Farmaajo (Qormo)

    Guddiga La-dagaalanka Musuqa waa mid ku dhisan Sharci-darro, Musuq iyo rabitaanka Farmaajo (Qormo)

    August 15, 2021Updated:August 15, 20213 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sida aan hore uga hadlayba, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo wuxuu marar badan isku dayay welina uu maagan yahay in uu Dalka ku xukumo wareegto/dikreeto isagoo doonaya in rabitaankiisa uu ka dhigo sharci loo hoggaansamo.

    Nasiib wanaagse, dalku waxa uu leeyahay Dastuur ay Ummadda Soomaaliyeed heshiis ku yihiin saldhigna u ah maareynta arrimaha danta guud. Dastuurkaas wuxuu ku waajibanayaa dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hawlwadeenada hay’adaha dowlada in ay u hoggaansamaan kuna jaangooyaan hab dhaqankooda maamul iyo midkooda go’aanba.

    Inkastoo uu Farmaajo ku dhaartay in Dastuurkaas ilaalinayo kuna dhaqmayo, hadana waxaa nasiibdarro noqotay in uu Dastuurkii ka dhigay wax kama jiraan isaga oo ku xadgudbay marar badan oo ay ugu dambeysay maanta.

    Sida aad la socotaan, Farmaajo wuxuu dikreeto aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Sharcigaba ku magacaabay Guddi lagu sheegay Guddiga La-dagaalanka Musuqa, waxaanse doonayaa inaan halkaan idiin kugu sheego in Guddigaas uusan laheyn wax sharciyada, kuna dhisan yahay MUSUQMAASUQ SIYAASADEED iyo KU XADGUDUB DASTUUREED iyo MID SHARCI.

    Bal ka tixraac Qod. 112aad ee Dastuurka KMG ah sida loo dhisayo Guddiyada Madaxbannaan oo uu Guddiga La-Dagaalanka Musuqmaasuqa ka mid yahay. Sidoo kale Qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay Guddiga La-dagaalanka Musuqa wuxuu waajibinayaa in Guddiga helo ansixinta Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

    Haddaba, guddiga uu Farmaajo daahfuray ma marin hannaanka sharcigaasi uu tilmaamayo iyo habraaca dastuuriga ah. Sidaa daraaddeed, ‘Guddiga La-dagaalanka Musuqa’ ma ahan mid ku dhisan sharci ee waa mid ku dhisan musuq siyaasadeed oo ku saleysan rabitaanka Farmaajo.

    Farmaajo wuxuu si bareer ah u jebiyay qodobkaas kor ku xusan, wuxuu dikreeto ku soo saaray Guddiga uu maanta daahfurayo iyadoo xubnahaasi aysan helin ansixinta Aqalka Sare. Golaha Aqalka Sare wuxuu horay si cad uga hadlay dhismaha Guddiga iyo hay’adaha kale ee lagu sameeyay dikreetooyinka baalmarsan Dastuurka KMG ah.

    Haddaba iyada oo la raacayo dastuurka KMG ah iyo xeerka ay labada Gole ansixyeen , waxaan uga digayaa mar kale in xubnaha lagu sheegay in yihiin Guddigaas ay ku dhiirradaan in ay ku howlgalaan dikreeto lagu jebiyay Dastuurka Dalka; xubnahaasna waxaa waajib ku ah in ay u hoggaansamaan shuruucda Dalka kana waantoobaan arrinkan dhaawacaya hufnaantooda iyo ammaanada Ummadda Soomaaliyeed. HAL BOOLLI AH MA DHASHO NIRIG XALAAL AH.

    Sida oo kale, waxaa ku baraarujinayaa hoggaanka ururada Bulshada Rayidka ah in aysan qeyb ka noqon howlaha ka soo horjeeda Dastuurkeena, aysanna ku milmin siyaasadda. Waxaan kaloo ku baraarujinayaa inay qaataan kaalintooda la xisaabtanka Dowladda kana feejignaadaan dabinnada siyaasadeed ee loo dhigayo kuwaas oo ujeeddada ka dambeysa tahay in gacmaha loo geliyo howlo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo sharciyada dalka.

    W/Q: Abshir Axmed Maxamed (Bukhaari)
    Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare

    Abshir Bukhaari Farmaajo Guddiga la-dagaalanka Musuqa Musuq Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Rasaas ka dhaceysa magaalada Kaabul iyo Daalibaan oo gashay, Wararkii ugu danbeeyay..
    Next Article Doorashada Baydhaba: Wasiirkii Gaashaandhigga oo noqday Senator ka tirsan Aqalka Sare

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo