Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga muranka ka taagan yahay ee Doorashooyinka 2020/2021 Warkii ugu horeeyay soo saaray (Xubno ka maqan)

    Guddiga muranka ka taagan yahay ee Doorashooyinka 2020/2021 Warkii ugu horeeyay soo saaray (Xubno ka maqan)

    December 1, 2020Updated:December 1, 20202 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Doorashooyinka Dadban 2020/2021 ee Heer Federaal oo dhismihiisa muranka ka taagan yahay ayaa soo saaray warkii ugu horeeyay ee saxaafadeed oo warbaahinta dowladda ay baahisay.

    War-saxaafadeedka oo aanay cidna ku saxiixneyn ayaa lagu sheegay Guddiyada Doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ay shir Jaraa’id u qabteen inay ku iftiimiyaan waxyaabihii u qabsoomay labadii toddabaad ee ay ku xareysnaayeen Hotelka Decale ee gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

    Guddigan oo ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka yimid Dowlad Goboleedyada ayaa markii la dhisay kadib waxay shaaciyeen howlaha soo socda:

    1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.

    2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

    3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.

    4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.

    5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

    Waxay sheegeen inay gacanta ku hayaan shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacdo.

    Waxaa hawlaha haatan socda kasoo qeybgalay kooram gaaraya 20 xubnood oo kamid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

    Guddiga intii uu shaqeynaayay wuxuu xiriiro joogta ah la yeeshay qaar kamid xubnaha 4ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Xubnahaas walaalaheen ah ee magacaaban balse aan soo xaadirin kulamada waxay qaar kamid ah noo sheegeen in ay nagu soo biiri donaan marka ay ogolaansho ka helaan Madaxdooda.

    Haddaba, annaga oo og in muddo bil ah uu jiray, haddana jiro dib u dhac jadwaleed oo saameeyay waqtiyadii loo ballansanaa in doorashada loo dareero, waxaan rabnaa inaan mar kale ku baraarujinno in ay sida ugu degdegsan noogu soo biiraan maadaana ay maalmo kooban uun ay naga xigto xilliga loo asteeyay doorashada Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa oo diyaarinteeda aan hadda guddi u saarnay. Waa muhiim ah xilligan adag inaana waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin.

    Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

    Doorashada Guddiga Doorashada Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMusharixiinta Madaxweynaha oo bilaabaya tallaabooyin cadaadis lagu saarayo Madaxweyne Farmaajo
    Next Article Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in 51 Alshabaab ah lagu dilay dagaalkii Bacaadweyn, Gobolka Mudug

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo