Guddiga qaban qaabada Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa canbaareyn u jeediyey war kasoo yeeray wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Shaacir oo ka mida Guddiga ayaa sheegay in wasiir Xoosh ku khaldan yahay hadalka uu ku farageliyey howsha gudidooda isagoo la soo xiriirin isla markaana aan ahayn xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin hadalkaasi.
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku shaaciyey in xildhibaannada wasiirada ah ay u tartami karaan xilka guddoomiyaa Golaha Shacabka, iyagoo aan is casilin ayna kaliya xilka weynayaan marka loo doorto Guddoomiye Baarlamaan
Xildhibaan Shaacir ayaa caddeeyay in guddigu yahay mid madax banaan isla markaana Wasiirka Dastuurka aanu soo fargelin karin howshooda.
DHAGEYSO