Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo madaxweynaha uu magacaabay.
Sida ay shaacisay Madaxtooyada Madaxweynaha ayaa Guddiga u sheegay in laga sugayo xal waara oo horseeda qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida.
Xubnaha Guddiga Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran.
Guddigan ayaa ah mid uu iskiis u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo aanay jirin wadahadal dhex maray dowladda Somalia iyo Somaliland tan iyo intii uu xilka qabtay Farmaajo.




