Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Guddiga Q/Midoobay oo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay Musuqmaasuq iyo Kaluumeysi sharci darro ah

    Guddiga Q/Midoobay oo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay Musuqmaasuq iyo Kaluumeysi sharci darro ah

    October 22, 2015Updated:November 7, 20152 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Cweli Gaas

    Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey u qaabislan dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea soo saareeen ayaanu ku dhex jirtay, haddana waxaan qormadan ku eegeynaa eedo guddigu u jeediyay Madaxweynaha maamul goboleedka  Puntland C/weli Maxamad Cali (Gaas) oo la sheegay inuu ku fashilmay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu is moodsiiyay musuqmaasuq ka jira Sharciyada kaluumeysiga ee maamulkiisu siiyo shirkado kaluumeysato kala duwan oo anjabi ah.

    Guddiga wuxuu warbixintiisa ku sheegay in amaanka degaanada Puntland uu sii xumaaday iyadoo ay hareysay dhibaatooyinka ka jira  mushahar la’aanta heysata ciidamada maamulkaasi.  Waxaana lagu xusay in xil ka qaadis Gaas ku sameeyay bishii Febraayo 2015 saraakiil ka tirsan ciidamadaoo uu ka mid yahay madaxii ciidamada sirdoonka Puntland ay  abuurtay  khalkhal ku yimid xiriirka Gas iyo ciidamda.

     

    Madaxda Puntland iyo kuwa dowladda Federaalka ayay warbixintu ku eedeysay inay ku lug leeyihiin lacago laga qaato shirkado shisheeye oo kaluumeysi oo laga iibiyo shatiyo loo siiyo inay Badda Soomaaliya ka kaluumeystaan, taasoo xoojisay kaluumeysiga sharci darrada.

    Warbixintu waxay sheegtay in koox  dalaaliin ah oo ku sugan Imaaradka Carabta, Dubai ay qaabilsan yihiin in maraakiibta ku jirta kaluumeysiga sharci darrada ee Soomaaliya ay ka qaataan. Maraakiibta Iiraan ayaa ah kuwa ugu badan ee ruqsada kalluumeysiga sharci darro ay Puntland ruqsada u siiso, iyadoo nin adeegsata nin magaciisa Guddiga ku soo koobay Cabdulqaadir.

    Puntland ayaan ka jawaabin su’aaloay weydiiyeen kormeerayaasha Guddiga oo la xiriiray markiib la siiyey ruqsado kaluumeysi. Mamaulka Puntland wuxuu ruqsad ay ku shaqeeyaan siisey Bishii March 2015 shirkad la yirahado Somali Security Service Ltd (SSS Ltd), oo uu leeyahay Cabdiweli Cali Taar oo Guddiga Q/Midoobay  ku tilmaameen inuu darawal Taxi ka haan jirey dalka Canada ay qaraabo yihiin madaxweyne C/weli Maxamad Cali (Gaas), Waxaana la siiyay ninkan ruqsad uu ku ilaaliyo xeebaha Puntland. Waxay kaloo Guddigu sheegeen in Cabdiweli Cali Taar ku lug leeyahay musuqmaasuq la xiriira iibinta fasaxyada kaluumeysiga oo sharci darrada ah ee Putnland. wuxuuna lahaan jiray shirkad kacday oo la oran jirey SomCan sanadihii 2000.

    Warbixinta Gudidga Q/MIdoobay waxay Golaha ammaanka u jeedisay in hakad la geliyo heshiiyada shidaalka ee maamulada kala duwan ee Soomaalia iyo dowlada Federaalka siinayaan shirkadaha shisheeye inta laga helayo sharci lagu qeybiyo khayraadka dalka Soomaaliya.

    Wadani.com

    C/weli Gaas Fad Warbixinta UNka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Baarista Q/Midoobay oo Danjire Cali Amerika ku eedeeyay lunsi Hanti Qaran
    Next Article Warbixinta Guddiga Q/Midoobay ee dabagalka Soomaaliya iyo Ereteriya (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo