Guddiga Doorashada SEIT ee Hirshabelle ayaa isbedel ku sameeyay xubnaha Guddiga soo xulaya ergada kursiga HOP058, kadib markii xiisad ka dhalatay arrintan keentay dhadhaqaaq maleeshiyo oo laga dareemay magaalada Beledweyne.
Qoraal cusub oo goor dhoweyd uu soo saaray Guddiga Hirshabelle ayaa lagu sheegay in wax badal lagu sameeyay Guddiga Xulista Ergada ee kursiga tirsigiisu yahay HOP#058.
Qoraalka waxaa ka muuqda in hal xubin cusub lagu soo biiriyey, waxaana halkii ay xubnaha Guddiga ka ahaayeen lix qoraalkii hore, hadda laga dhigay 7 xubnood.

HOOS KA AKHRISO

