Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga SEIT Somaliland oo Doorasho aan lagu tartamin kusoo saaray 4 Xildhibaan (Sidee u dhacday?)

    Guddiga SEIT Somaliland oo Doorasho aan lagu tartamin kusoo saaray 4 Xildhibaan (Sidee u dhacday?)

    January 25, 2022Updated:January 26, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Doorashada Gobolada waqooyi Somaliland SEIT ayaa qabtay doorashadii ugu degdegga badneyd oo ay kusoo baxeen saddex kursi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka.

    Doorashada maanta oo aan si toos ah loo tebin, ayaa daqiiqado gudahood lagu soo dhammeey, waxaana saddexda kursi kusoo baxay dadkii la filayay, iyadoo dhammaan musharixiintii la tartami lahaa xildhibaannada kuraastooda difaacanayey ay isaga hareen tartanka.

    Kursiga HOP247 waxaa u sharaxnaa Khadra Maxamed tukaale, iyo Filsan Jaamac Cismaan. Waxaa tartanka ka hartay Filsan Jaamac Cismaan; halkaasoo cod gacantaag ah 100 ergo ay ku heshay Khadra Maxamed Tukaale, sida uu shaaciyey Guddiga SEIT Somaliland. Khadra Maxamuud ayaa hore ugu fadhiday Kursiga HOP247 ee golaha shacabka BJFS oo mar kale kusoo laabatay.

    Kursiga HOP245 waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Axmed Suge oo hore ugu fadhiyay kursiga. Kursigan waxaa tartanka isaga haray Musharax Aadan Giire Cabdiiye. Codkii gacantaagga ee kalsoonida markii loo qaaday xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed wuxuu helay 100 cod.

    Kursiga HOP215 waxaa isna kusoo baxay xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo hore u ahaa sanator ka tirsan aqalka Sare. Waxaa tartanka isaga haray Musharax Axmed Yuusuf Bakaal. Cod gacantaag ah oo loo qaaday xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa waxaa taageeray ergo 94 qof.

    Kursiga HOP214 waxaa kusoo baxay Dr. Cilmi Maxamed Nuur, kadib markii uu isna tartankii ka hartay musharax Tusmo Jaamac Liibaan. Codklii gacantaagga ahaa ee loo qaaday xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo kursiga hore ugu fadhiyey ayuu helay kalsoonida 100 qof oo ergo ahaa.

    Doorashada maanta oo afar kursi lagu so osaaray muddo ka yar 2 saacadood ayaa ahayd tii ugu degdegta badneyd ee kuraas intaas ah lagu soo baxo, mana jirin wa tartan ah oo dhacay. Kursi kasta waxaa ku qornaa Xildhibaan diyaarsan iyo qof malxiis ah, waxaana dhammaan lagu dhammeeyay cod gacantag ah, iyadoo aanu jirin Sanduuq la furay.

    Sidoo kale waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday Doorashda Kursiga HOP209 oo uu hore ugu fadhiyey, kana geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble. Waxaa kursigan ku guuleystay Maxamed Xuseen Haadi.

    Kursiga HOP211 waxa kusoo baxday Caasho Koos Maxamuud oo hore ugu fadhiday, kana mid ahayd Baarlamaankii 10-aad ee Federaalka.

    Dr. Cabdilaahi Xaashi Abiib ayaa kusoo baxay kursiga HOP201 ee Golaha shacabka BJFS, kaasoo uu hore ugu fadhiyey Wasiirkia Maaliyadda C.raxmaan Beyle (Halkan ka Akhriso sida uu uga haray)

    Kursiga HOP257 waxaa ku guuleysatay Nadra Saalax Cabdi, waxaana kursiga hore ugu fadhiyay Cabdalla Xaaji Cali Axmed.

    Kursiga HOP260 waxaa ku guuleystay Sulayman Cali xuseen, isagoo helay 62 cod, Halka ay heleen musharaxiintii usoo gudbay wareega labaad ee la tartamay kala heleen Filsan Axmed Ismaail oo heshay 22 cod iyo Cabdinaasir Axmed Garow oo helay 15 cod. kursigan waxaa hore ugu fadhiyey Faadumo Odawaa Raage.

    9-ka Xildhibaan ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho, kana soo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa kala ah:

    1- Khadra Maxamed Dukaale
    2- Cabdirahman Axmed Suge
    3- Ayuub Ismaacil Yuusuf
    4- Dr. C/llaahi Xaashi Abiib
    5- Dr. Cilmi Maxamed Nuur
    6- Mohamed Xuseen Haadi
    7- Caasha Koos Maxamuud
    8- Nadra Saalax Cabdi
    9- Suleyman Cali Xusen

    May be an image of 6 people, people sitting and people standing
    May be an image of 3 people and people sitting
    May be an image of 2 people, people sitting and suit
    May be an image of 2 people, suit and indoor
    May be an image of 5 people and people sitting
    Dirta Waqooyi Doorashada Somaliland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaleeshiyo la wareegtay Xaafado ka mida magaalada Beledweyne iyo wararkii ugu danbeeyay..
    Next Article Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka Kursiga xildhibaan ee Beeshiisa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo