Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa dooramaya Guddoomiye cusub, kadib markii la ergay xubno uu ka mid yahay Guddoomiyahoodii hore.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ayaa magacaabay Guddiga qabanqaabinaya Doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga oo ka kooban 5 Xubnood, lagana soo xulay guddiga dhexdiisa.
Xubnaha Guddiga la magacaabay ayaa kala ah:
1- Bashiir Axmed Yuusuf
2- Maxamed Aweys Maxamed
3- Cadnaan Maxamed Cabdalla
4- Saaqo Aadan Maxamed
5- Ayaan Cabdiraxman Maxamuud
Guddigan ayaa la faray inay waajibaadkooda u gutaan si daacad ah, waxaana qoraalka ku saxiixnaa Mohamed Ibrahim Barre oo ah Gudoomiye kuxigeenka iyo si–hayaha.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bartamihii Bishii Decembar 2021 Shaqadii ka eryay 7 Xubnood oo ka mida Guddiga Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada dadban.
