Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo joojiyay 4 Kursi la Dooran lahaa (Akhriso Qoraalka ay soo saareen)

    Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo joojiyay 4 Kursi la Dooran lahaa (Akhriso Qoraalka ay soo saareen)

    February 15, 2022Updated:February 15, 20222 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa soo saaray cawa qoraal uu ku hakinayo Qabashada Doorashada 4 kursi oo ka mida Golaha Shacabka, laguna dooran lahaa Muqdisho.

    Kuraasta la hakiyey ayaa waxay kala yihiin: HOP#246, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242. Waxayna arrintan ka danbeysay markii ay dacwad ka timid saddex Suldaan oo kuraastaasi saxiixooda lahaa, balse la baal maray.

    Qoraalka hoos ka akhriso

    Ujeedo: Ogaysiin Hakin Qabashada Doorashada Kuraasta Lamberadoodu kala yihiin HOP#246, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242.

    Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay i-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in dacwad laga keenay kuraasta Lambaradoodu kala yihiin HOP#246, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242.

    Soo dacwoode: Suldaan Maxamed Suldhaan Xasan Suldaan Bulbul

    Soo dacwoode: Suldaan Caydaruus Saalax Ibraahim

    Soo dacwoode: Suldaan Siciid Diiriye Maxamed

    Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022 Asagoo Gudanaaya Waajibaadkiisa Shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in la hakiyo qabashada Doorashada kuraasta Lambaradoodu kala yihiin HOP#246, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242 laga bilaabo 15/02/2022 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kuraastaas.

    GXKHDD wuxuu baarintaanka cadaymaha ee saxsaanta odayaasha soo xulaya ergada, kala shaandhaynta ergada, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwaduhu, iyo go’aan ka gaarista dacwadaha ku dhamaystiri doonaa waqtiga ugu haboon oo ka bilaabanaysa 15/02/2022, waxayna go’aanka ugu gudbin doonaan soo dacwoodayaasha iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka go’aanka la gaaro.

    Ugu dambayn, GXKHDD wuxuu ku wargalinyaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in ay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee dacwadan gacanta ku haya si loo helo xog dhameystirsan oo lagu go’aan qaadan karo isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysiga dacwada ee lagu qeexay habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

    Mahadsanidiin, Wada Shaqeyn Wacan.

    Maxamed Cawil Warsame
    Gudoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashooyinka Dadban (GXKHDD)

    Doorashada Guddiga Xalinta khilaafaadka Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/raxmaan C/shakuur oo si yaab leh uga hadlay kulankii uu la yeeshay C/llaahi Kulane iyo Saadaq Joon
    Next Article Faahfaahin: Alshabaab oo Weerar Culus ku gashay Saldhigga Kaxda iyo Qaraxyo ka dhacay Daarusalam

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo