Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ku gacan seyray Xil ka qaadistii RW Rooble (Akhriso Qoraalka)

    Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ku gacan seyray Xil ka qaadistii RW Rooble (Akhriso Qoraalka)

    December 18, 2021Updated:December 18, 20213 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Xalinta Khilaafkada Doorashada dadban ayaa iska diiday xil ka qaadista uu 7 xubnood oo ka mida uu ku sameeyay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Qoraal ay soo saareen goor dhoweyd ayey ku doodeen inay sharci darro tahay xil ka qaadista uu ku dhaqaaqay Ra’iisal wasaaraha, isla markaana aysan u hoggaansami doonin, iyadoo ku eedeeyay Rooble inuu arrimo uu rabo ku cadaadinayey.

    Xuseen Maxamed Maxamuud Laki, ayaa tallaabada Ra’iisal wasaaraha ku timaamay mid sharci darro ah oo uusan xaq u lahayn in uu guddigaas xilka ka qaado, Wuxuuna sheegay in muddooyinkan Ra’iisal wasaaruhu ku cadaadinayey in wuxuu rabo loo sameeyo, asagoo sheegay in markii ay iska diideen waxyaabaha qaar sidaas xilkii looga qaaday.

    “Waxaan u arkaa go’aan sharci darro ah oo qar iska tuurnimo ah oo aan meelna ka soo gelin habraaca doorashooyinka iyo nidaamka aanu ku shaqaynaynno” ayuu yiri Xuseen Laki.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA


    GUDDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA DOORASHOOYINKA
    Taariikh: 18/12/2021.
    WAR-SAXAAFADEED

    Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021 waa Guddi madax-banaan waxaana lagu dhisay Heshiiskii 17 Septembar 2020, iyo Habraacii 1-da October ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka. Sidoo kale waxaa wax ka badal lagula sameeyay Guddiyada Doorashada heerarkooda kala duwan Heshiiskii Arimaha Doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka 27 May 2021 Qodobkiisa 1 and ka dib markii Goluhu isla gartay in Guddiyada kala duwan laga saaro xubno ka tirsanaa shaqaalaha xafiisyada Dawlada iyo Ciidamada dawlada, iyada oo loo soo xulay xubno madaxbanaan oo la hubiyay dhexdhexaadnimadooda.

    Guddiga Xallinta Khilaa faadka Doorashada Dadban 2020/2021 wuxuu cadeynayaa;

    1- In uu aad uga xun yahey warqada ka soo baxday Xafiiska Raysal Wasaaraha maanta oo taariikhdu tahay 18/12/2021 ee ujeedkeedu ahaa xil ka qaadista Gudoomiyaha Guddiga oo ay wadar ogol ku doorteen dhamaan xubnaha guddiga iyo xubno ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo ahaa xubno muhiim u ah geedi socodka doorashada oo muddo shaqaynayay kasbadayna aqoon iyo khibrada dheeri ah.

    2- In hanaanka loo maray xilka qaadista xubnahaas uu yahay mid baal marsan Heshiiskii 17 Septembar 2020, Habraacii 1-da October ee lagu dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban 2020/2021 Qodobkiisa laad Mabaadi’da lagu dhisay Gudiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada Dadban 2020-2021 oo qeexaya” Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada Dadban 2020-2021 waa lagu dhisay Mabaadi’da Guud ee Hannanka madar-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada,” waxayna arintaasi meel ka dhac wayn ku tahey madaxbanaanida guddiyada Doorashada oo dhan gaar ahaan Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada Dadban 2020-2021.

    3- In hanaanka saxda ah oo ay tahay in loo maro wax ka badalka xubnaha guddiyada Doorashada heerarkooda kale duwan waa in uu noqdo go’aan ay ay wada gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka.

    4- In uu si gaar ah uga xun yahay una cambaaraynayaa hanaankii argagaxa ahaa ee uu Wasiirka Amniga Xukummada Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur ula dhaqmay dhamaan xubnaha guddiga ka dib markuu xarunta guddiga la soo galay ciidamo hubaysan asagaoo xayiraad, handadaad iyo cagojuglayn u gaystay xubnaha guddiga kuna amray in ay hal saac gudahood uga guuraan xaruntooda haddii kala ay mutaysan doonaan ciqaab xarig ah, taasoo xadgudub ku ah xasaanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah xukuumada Federaalka Soomaaliya.

    Ugu danbeyn, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo dhamaan Habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka dhawrayana hufnaanta doorashada si ay u dhacdo doorasho hufan oo cadaalad ah, wuxuu ka codsanayaa Golaha Wadatashiga Qaranka inay ilaaliyaan madaxbanaanida guddiga xallinta khilaa faadka ayna jawaab u dhiganta ka bixiyaan xil ka qaadista sharci darada ah iyo xadgudubyada lagula kacay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021.

    Doorashada Guddiga Xalinta khilaafaadka Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMidowga Musharixiinta oo shaaciyey inay Garab taagan yihiin RW Rooble (War-saxaafadeed cusub)
    Next Article Guddiga Xalinta Khilaafka: “Wasiirka Amniga wuxuu xarunta guddiga la soo galay ciidamo hubaysan..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo