Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dadban oo xubno ka mida maanta uu xilka ka qaaday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa eedeyn u jeediyey Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur.
Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in wasiirka Amniga uu xaruntooda ciidamo hubeysan lasoo galay xaruntooda oo ku sameeyay handadaad iyo cagajugleyn sida ay qoraalka u dhigeen.
“Waxaan cambaaraynayaa hanaankii argagaxa ahaa ee uu Wasiirka Amniga Xukummada Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur ula dhaqmay dhamaan xubnaha guddiga ka dib markuu xarunta guddiga la soo galay ciidamo hubaysan asagaoo xayiraad, handadaad iyo cagojuglayn u gaystay xubnaha guddiga kuna amray in ay hal saac gudahood uga guuraan xaruntooda haddii kala ay mutaysan doonaan ciqaab xarig ah” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga xalinta Khilaafaadka.
Guddiga waxay sheegeen inay arrinta uu ku kacay wasiirka Amniga xadgudub ku tahay xasaanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Xubnihii xilka laga qaaday ayaa laga saaray Hotelka ay muddo sanad ka badan ku jireen, waxaana si shaqsi ah ay qaarkood u degan yihiin hotelka, iyadoo uu socdo qorshe hotelka lagu dejinayo xubnaha cusub.
Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, dalbaday Golaha Wadatashiga Qaranka inay ilaaliyaan madaxbanaanida guddiga xallinta khilaa faadka ayna jawaab u dhiganta ka bixiyaan xil ka qaadista ay sharci darada ku tilmaameen ee lagula kacay.
