Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala diray Guddi hoosaad uu madax ka ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre oo qaabilsanaa qaabka looga gudbi karo hiigsiga cusub 2016. Guddign oo hore u soo jeediyay go’aankii ahaa inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.
Kulankii maanta ee Baarlamaanka ayaa dhinaca kale guddoonka Baarlamaanku soo bandhigay laguna ansixiyay Mooshin lagu dhisayo gole la magac baxay: “Golaha Wada-tashiga Qaranka” oo la sheegay inuu jiheynayo Nidaam Siyaasadeedka iyo qaabka loogu gudbayo Hiigsiga 2016-ka.
Baarlamaanka Federaalka ayaa dadaalkiisa oo dhan isugu geeyay sidii hiigsiga cusub lagu gaari lahaa, iyadoo guddoomiye Jawaari dadaal ugu jiro in muddo kale loo kordhiyo Baarlamaanka Soomaaliya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]