Wasiir kuxigeenka Arimaha guddaha maamulka Galmudug ayaa kala diray guddigii farsamada dhismaha Goleyaasha deegaanada Galmudug.
Wareegto uu soo saaray wasiir ku xigeenka Axmed Cusmaan Aadan oo hadda sii haya xilka wasiirka xilka laga qaaday ayuu ku sheegay inuu khilaaf heer sare gaaray uu ka dhex jiro guddiga, isla markaana ay xumaatay wada-shaqeyntiisii, ayna diideen inay u hoggaansamaan amarrada madaxda Puntland in la kala diray.
Arrintan ayaa soo baxday saacado ka hore iyadoo maanta lagu wado in degmada Balanballe doorasho muran haeeyay oo ku saabsan Golaha Degaaka degmada oo ay sharci darro ka dhigeen madaxda Galmudug.
Galmudug ayaa ku dhex jirta xiisad ka dhalatay dhismaha Golayaal degmo oo ka bilowday Ballanballe, iyadoo dadka degaankaasi ay ku adkeysanayaan dhismaha Golaha oo ay diideen madaxda Galmudug.
