Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddigii Doorashada Dadban oo khilaafkii ugu weynaa soo dhex galay [Akhriso Qoraalo iska horjeeda]

    Guddigii Doorashada Dadban oo khilaafkii ugu weynaa soo dhex galay [Akhriso Qoraalo iska horjeeda]

    December 2, 20164 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Doorashada Dadban ee Galmudug ayaa ka hor yimid go’aan ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban oo ku saabsanaa kursiga Beesha Gaabane/Saleebaan.

    Qoraal ay caawa soo saareen Guddiga heer dowlad Federaal ee doorashooyinka Galmudug ayaa lagu sheegay in go’aanka ka soo baxay Guddoomiye Cumar Dhagey uu yahay mid shaqsiyeed oo aan loo marin habraaca shaqada Guddiga.

    Guddiga Doorashada oo diiday Doorashadii Xildhibaan Abtidoon-yare ee Kursiga Beesha Gaabane/Saleebaan

    Guddiga Doorashada Galmudug waxay ka digeen go’aanada noocaas ah inay keeni karaan iska hor keenka shacabka iyo maamulka Galmudug, isla markaana aanay ahayn ilaalin qoonde haween balse la beegsanayo shaqsiyaad iyo beelo gaara.

    Arrintan ayaa soo shaac bixisay khilaaf ka dhex taagan Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaal oo saacado gudahood ay qoraalo is burrinaya soo kala saareen Guddoomiyaha Guddiga iyo xubnaha Guddiga ee ku sugan Cadaado.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA XUBNAHA GUDDIGA EE CADAADO KU SUGAN


    Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban GFDGDD

    Federal Indirect Electoral Implementation Team

     Ku. Guddoomiyaha Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban 

    Og. Guddiga doorashada ee Dowlad-Goboleedka Galmudug

    Og. Madaxeynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug

    Ujeeddo: Go’aanka GFHDD ee 30ka November

     Mudane Guddoomiye ASC,

    Annaga oo tixraaceyna warqaddii ka soo baxday Xaafiiska Guddoomiyaha GFHDD taariikhdu markey aheyd 30 Nov, 2016 kuna saabsaneyd go’aan horudhac ah oo laga gaaray kursi lagu doortay deegaan doorashada Cadaado isla 30kii Nofember; waxaan dooneynaa inaan idinla wadaagno arrimahan hoose:

    1. Wakiillada Guddiga GFHDD ee ku sugan deegaan doorashada GalMudug waxay ku howlanyihiin kormeeridda iyo toosinta doorashada, turxaan bixinta hannaanka, ilaalinta qoondada haweenka, hubinta habraaca doorashada, ku dhawaaqidda natiijada horudhaca ah ee doorashada iyo shaqooyinka kale ee guddiga loo igmaday. Illaa iyo hadda ma hayno dalab qoraal ama isgaarsiin ah oo Guddoonka Guddigu nagu weydiinayo faahfaahin la xariirta kursiga la tilmaamay si loo helo wadiiqo go’aan lagu qaato.
    1. Sida ku cad qodobka 9aad ee waajibaadka Guddiga GFHDD, shirarka guddiga waxay ku dhici karaan soo xaadiridda ugu yaraan 15 xubnood, go’aankuna waa cod hal dheeri ah.
    1. Waxaa markasta taagnaa Kuraas dhowr ah oo kursigan Saleemaan ka mid yahay oo ay ku hareereysnaayeen duruufo adag oo kala duwan oo aan idinla wadaagnay, arrimahaas oo qaarna xal laga gaaray 27 November, kuwa kalena ay weli taagan yihiin.

    Caddeyn

    1. Waxaan idiin caddeyneynaa inaan si adag uga xunnahay in waqti sidaa u kooban la soo saaro go’aan aan waafaqsanayn hab-dhaqanka Guddiga u degsan, go’aankaas oo halis gelin kara midnimada doorashada iyo dhismaha Guddiga GFHDD. Sida ku cad xeerhoosaadka Guddiga go’aanada GFHDD wuxuu ku imaanayaa in marka hore la is qanciyo, ugu dambayna cod la qaado.
    1. Waxaan hubnaa in doorashada Kursiga Gaabane Saleemaan loo maray dariiq sax ah oo ku qotoma shuruucda doorashada iyo xaaladda deegaan doorashada Cadaado.
    1. Guddiga Doorashada ee GDGDD iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug waxay weli ku taagan yihiin go’aannadii Madasha MHQ ee tilmaamayey in la ilaaliyo Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka oo dhan 30%.
    1. Waxaan baqdin weyn ka qabnaa in aan ujeeddadu ahayn in qoondo haween la xaqiijiyo ee la doonayo in la beegsado shaqsiyaad gaar ah iyo Qabiillo gooni ah.

    Talo-jeedin

    1. Waxaan ku talineynaa inla joojiyo ku dhawaaqidda go’aanno xamaasadeysan oo aan la dhammeystirin dariiqii ay ku noqon lahaayeen go’aanno rasmi ah, taasoo keeni doonta burbur shaqadeenna wanaagsan ee ummada loo hayo ku yimaada.
    1. Waa in la furo baaritaan ay ka qeyb yihiin dhammaan dhinacyada shaqada iyo go’aanka kiiskani quseeyo si loo helo dhegeysi buuxa oo nagu haga go’aan rasmi ah..

    Bogaadin

    Waxaan dhammaantiin idinku bogaadineynaa howsha wanaagsan ee aad qaranka u haysaan annagoo qabsaneyna doorashadii ugu ballaarneyd muddo 50 sano ah, iyadoo dalkeennu la ildaran yahay kala qoqobnaan baahsan, aqoonyari doorasho iyo heerka amniga oo hooseeya.

    Sidaa iyo wadashaqeyn wacan.

    Yasiin Cabdi Jama

    Abdullahi Salad Yarow

    Xoghayaha GFHDD Qorsheynta iyo Howlgelinta GFHDD

    December 1, 2016

    QORAALKA OO ASAL AH HALKAN KA FURO

    [pdf-embedder url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2016/12/goaan-nov-30.pdf”]

    GOOBJOOGE.COM

    Abtidoon Aqalka hoose Caasho Xaaji Cadaado Guddiga Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Magacyada Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta lagu doortay Jowhar
    Next Article DHAGEYSO: C/llaahi Goodax oo dhulka ku jiiday maamulka Hirshabeelle & ciidamada Jowhar ku sugan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo