Waxa magaalada Muqdisho ka furmay shir hor leh oo la isugu yeeray Guddigii Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo bishii hore ku shiray magaalada Baydhaba.
Shirkan oo maanta ka furmay Hotelka Decale gudaha Garoonka Muqdisho ayaa lagu sheegay inuu yahay wejigii labaad ee Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir; iyadoo la ogyahay in shirkii Baydhaba la shaaciyey in lagu heshiiyey oo qodobadii laga soo saaray loo gudbiyey beesha caalamka iyo madaxda dowladda federaalka/ Dowlad Goboleedyada.
Wararka ayaa sheegaya in shirkan ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya, ayna ka qeyb galayaan xubno ka socda G/Banaadir, K/Galbeed, Hirshabeelle iyo xubno ka socda xukuumadda oo hadda shir u qabanaya Guddigii Farsamada ee shaqadiisa soo gabagabeeyay .
Waxaa shirka labaad Guddiga Farsamada ee maanta furmay ka maqan xubnihii ka socday maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, waxaana qaadacay Puntland iyo Jubbaland.
