Guddiyada Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland kasoo saaray War-murtiyeed 7 Qodob oo ku saabsan dib u eegista qodobo ka mida Dastuurka.
Madasha ayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ugu baaqday in ay si deg deg ah u dhameeyaan Khilaafka ka dhex taagan si loo soo Afjaro dib u eegista dastuurka, waxayna isla garteen in la bilaabo dib u eegista Cutubyada 1 ilaa 5 ee Dastuurka KMG ah.