Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray xaaladda dib u eegista Dastuurka, iyagoo sheegay in loo dhaafay howshooda, isla markaana ay jirto gaabis ku yimid howshooda.
Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatooyinka Guddiga heysta iyo caqabadaha ka hor yimid ay ka mid yihiin in dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada aanay weli heshiis ka gaarin arrimo u baahnaa inay wadahadal dheeraad ah laga galo, kadib shirkii ugu danbeeyay ee Baydhaba ku yeesheen Guddiga Amniga Qaran.
Xoghayaha Guddiga dib eegista Baarlamaanka ee labada Aqal ayaa Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Guddigooda aysan helin arrimihii ay u baahnaayeen sida dhaqaale, howlwadeenadii loo balanqaaday, isla markaana wuxuu ka digay in Arrimaha dib u eegista dastuurka ay gacmaha kula jiraan dhinacyo kala duwan oo arrinta sii adkeeyay.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Guddoomiya Guddiga kale ee madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuura Maxamed Daahir Afarax uu maanta Aqalka sare u gudbiyey % cutub oo ka mida Dastuurka KMG ah oo dib loo eegay.