Shir labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay uga socday magaalda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Guddiyada Difaaca iyo Xiriirka Caalamiga ee Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa laga soo saaray War-murtiyeed lix qodob ka kooban oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah.
Qoraalka kasoo baxay shirka labada guddi Baarlamaan ayaa lagu sheegay in labada dal ka wada shaqeyn doonaan sidii guul looga gaari lahaa dagaalka lagula jiro argagaxisada iyo sidii Soomaaliya ay taageero diblomaasiyadeed uga heli laheyd Hay’addaha Caalamiga ah. Sidoo kale Guddiga baarlamaanka Kenya, ayaa lagu tilmaamay qoraalkaan inay u gudbin doonaan Baarlamaankooda warbixinno iyo talo soo jeedin ku aadan qaabka loola dhaqmo marti sharafta, Hogaamiyaasha iyo waliba Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qoysaskooda xiliga ay ku sugan yihiin gudaha wadanka Kenya oo cabasho ay ka soo jeediyaan madaxda Soomaalida.
Safarrada labada dal dardar gelintooda ayaa guddiga Baarlamaamka Kenya wuxuu ku talinayaa in dib u eegis lagu sameeyo nidaamka hadda jira ee u dhexeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo ay ku jirto arrinta safarka lagu soo maraayo Magaalada Wajeer iyo in ay ku lug yeelan doonaan maamulka la xiriira in la billaabo duulimaad toos isugu xiri doono caasimadaha labada dal, si loo abuuro fursado maal-galineed.
Waxaa kaloo War-murtiyeedka lagu sheegay in Guddiga Baarlamaanka Kenya uu kula talin doono dowladda Kenya in lacago loo qoondeeyo Soomaaliya, si looga Caawiyo dib-u- dhisidda dhinacyada Maamulka, Adeega bulshada, Doorashooyinka iyo dib-u-habeynta garsoorka xukuumadda Soomaaliya si ay wadajir oga faa’iideystaan labada dal.
War-murtiyeedkan labada guddi oo talo soo jeedin ku kooban ayaa soo baxay kadib markii ay Muqdisho Booqdeen 10-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, waxaana wafdiga hogaaminayay Ilyaas Barre Shiil oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Caalamiga ee Baarlamaanka Kenya
WAR-MURTIYEEDKA HOOS KA FURO
[ot-caption title=”RIIX HALKAN WAR-MURTIYEED” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/08/War-Murtiyeed-Somalia-Kenya.jpg”]
AMA HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]