Fadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta ayaa lagu hor dhaariyay xubnaha Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Baarlamaanka, kadib markii uu shalay kooram la’aan u baaqday kulan lagu doonayay in lagu dhaariyo.
Labada Guddi ee heer Qaran ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ayaa hadda kadib laga sugayaa inay bilaabaan howlaha loo xil saaray xilli shaki badan laga muujinayo in doorasho ka dhici karto Koonfurta Soomaaliya 2016 si loo hirgeliyo hiigsiga cusub.
Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa looga hadlay sidoo kale shaqada hor taalla Baarlamaanka iyo wixii u qabsoomay.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]