Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka maamulka Puntland.
Kulanka labada dhinac ayaa ka danbeeyay kadib markiiĀ Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland ay socdaal shaqo ku tageen magaalada Muqdisho, taasoo ka danbeysay socdaalkii guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka ku tageen magaalada Garowe.
Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana la iskula meel dhigay wada-shaqeynta Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka iyo kan Maamul Gobolleedka Puntland.
SAWIRRADA