Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan xasaasi ah oo ay uga hadlayaan bilaabashada Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya 2022.
Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ayaa mid kasta kulan gaara ku yeelanaya xaruntiisa iyadoo ajendaha horyaalla uu yahay dhismaha iyo Ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada Guddi ee labada Aqal soo kala magacaabaan ayaa isku biiri doona iyadoo dhexdooda ka dooran doona guddoomiye iyo xogheyn, iyadoo guddigaasi uu dejin doono jadwalka Doorashada Madaxweynaha cusub.
Waxaa lagu wadaa in Doorashada Madaxweynaha ay dhacdo bartamaha iyo aakhiska bishan May 2022, kadib doorasho muddo sanad ka badan jiitameysay oo dhibaatooyin badan laga dhaxlay.
