Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ay ku saxiixan yihiin kasoo saaray shirka maamul u sameynta Gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaasoo ah in si KMG ah loogu hakiyo muddo laba toddobaad ah.
Xogta Goobjooge.com heleyso ayaa sheegaya in arrintan uu ka soo shaqeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo si weyn uga horjeeda sida uu ku socday shirka Baydhaba oo la filayay in Khamiista madaxweyne loogu doorto Shariif Xasan Sheekh Aadan. Ra’iisal wasaaraha oo horeba u hakiyay shirka, waxaana ku cusub oo kaliya taageerada lama filaanka ah ee Jawaari ka helay madaxweynaha, taasoo loo arko inay tahay qorshe uu madaxweynaha ku raadinayo inuu ku helo kalsoonida guddoomiyaha Baarlamaanka oo howlo badan uga xayiran yihiin.
Guddiga shirka Baydhaba ayaa si toos ah uga amar qaadanayay madaxweynaha kuna shaqeynayay qorshe loo dejiyay, lamana oga sida looga dhaadhicin doono go’aankan cusub iyo u hogaansami doonaan midba.
HALKAN KA SOO ROGO GO’AANKA MADAXDA DOWLADDA [download id=”727″ template=”Go’aanka Madaxda sare ee Dowladda”]
GOOBJOOGE.COM