Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa sheegay in go’aan cusub laga soo saarayo bandowga lagu soo rogay Muqdisho.
Isagoo dadweyne ka careysany dil ka dhacay degmada Boondheere xalay kula hadlay Taalladda Daljirka Dahsoon ayuu Guddoomiyaha G/Banaadir sheegay in madaxda dowladda ay go’aan kasoo saareyso arinta Bandowga oo arrintas loo fadhiyo, isagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah dadka.
Wuxuu intaas ku dtay inuu ka xun yahay dadkii Shacabka ahaa ee xalay lagu dilay degaankaasi, isagoo caddeeyay in askariga dilka geystay tallaabo laga qaadi doono, sharcigana la hor geyn doono.
“Arinta xad gudubka ku ah dadka reer muqdisho ee bandawga go’aan ayaa ka soo bixi doono saacadaha soo socda, Madaxda dowladda ayaa u fadhida “ ayuu Gudoomiye cumar Filish oo dadweyne badan ay ku qeylinayeen.