Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Guddomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo Abaalmarin la Gguddoonsiiyey [Sawirro]

    Guddomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo Abaalmarin la Gguddoonsiiyey [Sawirro]

    February 3, 2018Updated:February 3, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa la guddoonsiiyey abaamarin lagu magacaabay “Xilgudasho Qaran”.

    Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa loo aqoonsaday inuu yahay duqii magaalo ee ugu waxqabadka fiicnaa sanadkii la soo dhaafay, iyadoo abaal-marintan loogu talo galay in lagu qiimeeyo waxqabadka madaxda caasimadda qaranka iyo kuwa caasimadaha gobollada.

    Mudane Thabit – oo ahaa duqii magaalada Muqdisho ee sanadkii hore – ayaa abaal-marintan ku guddoomay xaflad lagu qabtay hoeelka Mogadishu Guest House oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

    Natiijadan ayaa ka soo baxday sahan bilihii Oktoobar illaa Diseembar 2017 lagu sameeyay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Garoowe, Cadaado, Kismaayo iyo Jowhar, ayna ka qeyb galeen in ka badan 1,800 oo qof oo laga soo xushay magaalooyinkaas.

    Natiijada sahanka la sameeyay waxaa lagu qiimeeyay Mudane Thaabit barnaamijyadiisii ku aaddanaa dhinacyada horumarinta adeegga bulshada, cad-cadaanta iyo maamul-wanaagga Dowladda Hoose, dib-u-heshiisiinta iyo isdhexgelka bulshada, dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, shaqo-abuurka dhallinyaradda iyo horumarinta cayaaraha, xoojinta kaalinta haweenka, wacyi-gelinta iyo abaabulka bulshada, samo-falka, iyo u-qareemidda xuquuqda Gobolka Benaadir ee heer qaran.

    Waxaa munaasabadda ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cumar Wardheere iyo Sheekh Soomow oo ku hadlayay magaca culimada, Dr. Maxamed Cali Ibraahim oo ah wasiir hore, Farxiyo Kheyre oo ku hadleysay magaca haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ugu dambeyntana uu xafladda soo xiray Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka, Mudane Diini Maxamed Diini, oo ugu dambeyntii guddoonsiiyay abaalmarinta.

    Duqii hore ee Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, oo hadlay markii la guddoonsiiyay abaalmarinta ayaa u mahadceliyay hay’adda Vision oo soo sameysay sahankan, isagoo sheegay inay arrintan ay tahay dhaqan ku cusub dalka oo ah in la xuso waxqabadka wanaagsan.

    Hay’adda Vision ayaa sheegtay in abaal-marintan lagu saleeyay macluumaadka Hay’adda Duqa Magaalooyinka ee City Mayors Foundation (CMF) oo soo qabanqaabisa Abaal-marinta Duqa Magaalooyinka ee heer caalami ah (World Mayors Award), taas oo lagu sharfo madaxda u adeegtay bulshadooda, waxna ku soo kordhiyay magaalooyinka ay madaxda ka yihiin. Akadeemiyada Hoggaaminta ee Hiraal (Vision) ayaa xiriir la sameysay hay’addaas si mustaqbalka magaalada Muqdisho loogu soo daro qiimeyntooda u gaarka ah qaaradda Afrika.

    Abaal-marintan oo qeyb ka ah Abaal-marinta Xilgudasho Qaran ayaa waxaa soo qabanqaabisay Akadeemiyada Hoggaaminta ee Hiraal (Vision Leadership Academy) ayaa sheegtay in ujeeddada abaalmarintan ay tahay in la muujiyo aragtida fog iyo hoggaaminta madaxda magaalooyinka Soomaaliyeed ee si karti iyo hufnaan leh ugu adeegay shacabka iyo in shacabka fursad loo siiyo ay ku qiimeeyaan waxqabadka madaxda ka talisa magaalooyinkooda.

    Image may contain: 1 person, smiling, eyeglasses

    G/Banaadir Muqdisho Taabit Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTrump & Xisbiga Jamhuuriga oo faafiyey Qoraal Sir ah & Xisbiga Dimoqraadiga oo digniin soo saaray
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuusan Dabaaldeg u sameyn Sanadguurada Doorashadiisa [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo