Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa gaaray magaalada Garowe, isagoo ka dhoofay magaalada Muqdisho.
Cabdi Xaashi iyo wafdigiia waxaa Garoonka Diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka Puntland, mas’uuliyiin iyo dadweyne.
Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, kaasoo ka dhacaya magaalada Garowe, waxaa kaloo Garowe tegaya madaxda Maamul Goboleedyada.

