Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa soo saaray qoraal ku saabsan go’aanka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mida Maamul Goboleedyada ku shaaciyeen in la aadayo Doorashada.
Cabdi Xaashi wuxuu beeniyey warkii kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug ee ahaa inuu jawaab ka waaier dhinacyadii cabashada ka keenay Doorashada. “Waxaanu halkan ku Caddeynaynaa in haba yaraatee aysan waxba kajirin hadalka Madaxwayne QoorQoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garoowe kadib ma jirto cid noola timid wax heshiis iyo wadahadal ah midna..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Gudoomiye Cabdi Xaashi.
“Waxaa ayaandarro noqotay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaruhu diidaan in la wadahadlo oo la heshiiyo oo ay qaataan go’aan sii kala qeybinaya dalka, bulshada iyo Maamul Goboleedyada oo lagu qabanayo Doorasho aan heshiis lagu ahayn..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdi Xaashi oo ka digay cawaaqib xumida ka dhalan karta Doorasho aan heshiis lagu ahayn.

HOOS KA AKHRI QORAALKA
